U Diyaaargarow Qarash Waddeedka waddada hoose ee SR 99
Hadaad leedahay akoon Good To Go! iyo tigidh mar walba waxaad bixin qiimaha ugu hooseeyo ee waddada hoose ee SR 99 iyo dhammaan xarumaha qarash waddeedka washington.
Waxaa isticmaali doontaa biriish hoosaadka SR 99 iyada oo aan lahayn xisaabta Good To Go! Hadii aad isticmaasho biriish hoosaadka bilaa xisaab, cida gaadhiga ku qoran waxaa loosoo diri doonaa qaan sheeg boosta loogu soo diray oo $2 oo dheeraad ah safarkiiba. Waxaad la hadli kartaa xarunta adeega macaamiisha wakhti kasta si lacagta lagaaga dhimo, iyo wixii kharash ah ee laga tanaasulay, hadii xisaabta aad furato.
Furashada akooon cusub oo Good To Go! ah way sahlantahay
Gawaari badan baad ku biirin kartaa akoonkaaga.
- Waxaad u baahantahay inaad ku dhajisid tigidh Good To Go! ah gaari waliba si aad u bixisid sicirka ugu hooseeyo ee qarashka waddada.
- Hadii aad doorato inaadan ku dhajin tigidh gaariga akoonkaaga, waxaad bixin 25 senti oo dheeri ah qarash waddeed kasta.
- Si decide no colocar un pase en uno de los vehículos registrados en su cuenta, pagará 25 centavos extra por cada peaje.
Waxaad haystaa ikhtiyaaro aad u maalgaliso akoonkaaga.
Waxaad u baahnaan doonta inaad sii bixiso $30 markaad furanaysid akoonkaaga. Dhammaan gawaarida akoonkaaga waxa qarashka waddada laga jari doonaa $30 oo ah lacagtaad horay ula baxday.
- Waxaad abuuri kartaa inaad si otomaatik ah lacagta u bixiso oo marka akoonkaaga lacagta kujirtaa meel hoose tagto kaadhkaaga dhibitka, kiridhitka ama akoonkaaga bangiga aad lacag ugaga shubto.
- Hadii aad doorato in aan akoonkaaga si otomaatik ah lacag loogu shubin, waxaad u baahnaan in aad ka warhayso in akoonkaaga ku jirto lacag kugu filan oo aad kharashka ku bixiso. Waxaad sidoo kale u baahnaan in aad ka wacdo adeegga macaamiisha 1-866-936-8246 si aad u uga furato akoon aan si otomaatik lacag loogu shubayn.
- Lacag cad waad ku shuban kartaa akoonkaaga, balse waa in aad booqataa xarunta adeegga macaamiisha ee Seattle ama Bellevue.
Marka aad furanaysid akoon cusub waxaad u baahantahay in aad macluumaadkaaga lagaala soo xiriirayo, gaariga noociisa iyo moodelkiisa, iyo macluumaadka bixinta lacagta aad sheegtaa.
- Good To Go! waxay bixisaa akoono aan la isdiiwaangalinin, kuwaas oon u baahnayn macluumaadkaaga qaaska ah si aad u furato. Akoonada aan haybta lahayn waxa kaliya laga furan karaa xarunta adeegga macaamiisha ee Seattle iyo Bellevue.
Raac tilmaamahan hoose si aad u furato akoon
Hadaad u baahantahay caawinaad tarjumaad
- Wac 1-866-936-8246, oo riix eber (0) laba goor si aad ula hadasho wakiil adeegga macaamiisha ah kaasi oo kugu xariirin karo tarjumaan.
Hadaadan u baahnayn caawinaad tarjumaad
- Booqo bogga MyGoodToGo.com si aad u furato akoon si otomaatik ah aad u bixiso kharashka.
- Si shaqsi ah noo soo booqo (Hadii aad u baahntahay in lacag cad bixiso ama akoon aan diiwaangashnayn aad furato, waxaad u baahantahay in aad si shaqsi ah noo soo booqato).
Seattle
4554 9th Avenue NE
Seattle, WA 98105
Bellevue
13107 NE 20th Street, Suites 3 & 4
Bellevue, WA 98005
Gig Harbor
(Adeegyo xadidan baa la heli karaa)
5801 Soundview Drive, Suite 50A.
Gig Harbor, WA 98335