Tigidhada Good To Go!

Helidda Akoon Good To Go! ah iyo tigidh waa sida ugu fudud uguna raqiisan ee aad ku bixin karto qarashka waddada (toll) Washington. Waxaa isticmaali doontaa biriish hoosaadka SR 99 iyada oo aan lahayn xisaabta Good To Go! Hadii aad isticmaasho biriish hoosaadka bilaa xisaab, cida gaadhiga ku qoran waxaa loosoo diri doonaa qaan sheeg boosta loogu soo diray oo $2 oo dheeraad ah safarkiiba. Waxaad la hadli kartaa xarunta adeega macaamiisha wakhti kasta si lacagta lagaaga dhimo, iyo wixii kharash ah ee laga tanaasulay, hadii xisaabta aad furato.

Ikhtiyaarada tigidhka Good To Go!

Waxaa jira afar nooc oo tigidhada Good To Go! Dhammaan tigidhada waa lagu bixin doonaa qarash waddeedka xarumaha Washington oo dhan. Qiimaha tigidhadu waa $5 ilaa $15 oo canshuurtu dheer tahay, waxayna ku xirantahay hadba tigidhka aad iibsato.


Good To GO! sticker pass

Istiikar

  • Kan ugu caansan.
  • Darawalada waddada hoose ee SR 99 waxay heli karaan tigidh istiikar ah oo bilaash ah.
  • Kiiba yahay $5, cabirkiisana leeg yahay qiyaastii balastarka band aid.
  • Istiikar aan fuqayn kuna dhaga gudaha muraayadda hore halka u dhaw muraayad-haadda gadaasha lagu arko.

Good To GO! flex pass

Flex Pass

  • Ikhtiyaarka ugu wanaagsan ee dadka baabuurta isla kiraysta ee SR 167 ama I-405.
  • Dadka baabuurta isla kiraysta sida badan ee l-405 waxay heli karaan Flex Pass oo bilaash ah.
  • Tigidh midkiiba $15 yahay, oo xajmigiisu nacnaca leegyahay oo ku dhago gudaha muraayadda hore meel u dhaw muraayad-haadda gadaasha lagu arko.
  • Flex Pass wuxuu kuu suuragalinayaa inaad qaabka HOV u badalato si aad u aado safar bilaash ee haadadka qarash waddeedka degdegga ah ee I-405 ama haadadka SR 167 HOT marka aad u qalantaan isla kiraystaal ahaan. Gayso qaabka TOLL si aad qarash waddeed (toll) ugu bixiso xarun kasta oo lacagtan qabata.

Good To GO! motorcycle pass

Mooto

  • $8 midkiiba
  • darawalada mootada ee ku waddada I-405 waxay heli karaan tigidh mooto oo bilaash ah.
  • Istiikar aan fuqayn oo lagu dhajiyo laydhka hore ee mootada iftiinkana ka muuqanayo.

Good To GO! license plate pass

Taarikada Gaariga

  • $12 midkiiba
  • Ikhtiyaarka ugu wanaagsan ee gawaarida muuraayada dabaysha ay kujirto bir.
  • Waxaa loogu dhajin karaa si gudub ah dusha taarikada hore ee gaariga iyadoo kashwiido/iskuruu la isticmaalayo