Jid Hoosaadka SR 99. Yara tijaabi muddo iyada oo bilaash ah.
Jid Hoosaadka SR 99 waxa uu dirawalada siiyaa laba mayl waddo ah oo toos ah o Wixii waddooyin kale ee loo marayo suuqa hoose, jid hoosaadka waxaa loogu talogalay inuu ku xidhmo waddada Alaskan Way ee cusub ee dusha oo la qorsheeyey in 2021 ay dhammaystiranto inta biyaha garab martaa.
Ilaa inta jidkaa cusub la dhammaystirayo, dirawaladu waxay isticmaali karaan si kumeel gaadh ah Alaskan Way.
Isticmaalka Jid Hoosaadka
- Jid hoosaadka waxa iskugu yimaada laba waddo oo kuwa xawaaraha sare lagu maro ah oo isa saaran, oo mid kasta leeyahay laba haad, kuwaas oo uu sarreeyo khadka jidka koonfur.
- Ma jiraan meelo laga galayo ama laga baxayo oo dhexe jid hoosaadka.
- Dariiqooyinka laga soo galayo ama laga baxo ee qaybta koonfur waxay ku xidhiidhsan yihiin Alaskan Way, First Avenue, iyo South Royal Brougham Way.
- Daqiirooyinka laga soo galayo ama laga baxo ee qaybta koonfu r waxay ku xidhiidhsan yihiin Denny Way, Dexter Avenue North, iyo Mercer Street.

CAQLI BADNI IYO BADBAADO
Jid hoosaadkawaxyaabaha badbaadada ah ee loogu talogalay ee aadka u heerka sarreeya waxay bixiyaan jawaabcelin gurmadka degdegga ah oo dhul gariirka, dabka iyo fatahaadduba ayna waxba qaadi karin.
Wado marintu waxay bilaabmaysaa daryta 2019
Sh arciguwwaxa uu dhigayaa in jid hoosaaska SR 99 in kharashka laga qaadayaagacan ka gaysto bixinta $200 milyan ee ay ku kacday dhismaha iyo in lagu bixiyo hawlaha iyo dayactirka jid hoosaadka. Marka ay bilaabanto qaadiddakharashku, dirawalada waxaa laga qaadi kharashka siotomaatig ah marka ay kasii baxayaan jid hoosaadka dhanka ay doonaanba ha u socdaan ah. Jid hoosaadka ma yeelan doono qolal lacagta lagu qaado.
Gaadiidka aan Kharashka Laga Qaadaynin
- Basaska iyo bas caasiyada la raaco
- Gaadiidka gurmadka degdegga ah
Xaddiga Kharashka Jid Hoosaadka SR 99
Saacadaha | Ku Bixi Boosta (Pay By Mail) * | Waxaa kaa go'aya $2 marka aad haysato tigidhka La Mari Karo Good To Go! * |
---|---|---|
6 subaxnimo - 7 subaxnimo | $3.25 | $1.25 |
7 subaxnimo - 9 subaxnimo | $3.50 | $1.50 |
9 subaxnimo - 3 galabnimo | $3.25 | $1.25 |
3 galabnimo - 6 galabnimo | $4.25 | $2.25 |
6 galabnimo - 11 habeenimo | $3.25 | $1.25 |
Habeenkii 11 habeenimo - 6 subaxnimo | $3.00 | $1.00 |
Labada Maalmood ee Fasax Ah Toddobaadkii | $3.00 | $1.00 |
3 Dariiqo Ayaa Loo Bixinayaa Lacagta
Xaddiga Ugu Hooseeyo - La Mari Karo Good To Go! Tigidh
Dirawalada wata Tigidhka 'La Mari Karo' Good To Go! waxa ymar kasta bixin doonaa xaddiga ugu yar marka ay isticmaalayaan jid hoosaadka SR 9 9 iyo waddooyinka kale ee gobolka oo dhan.
25¢ Oo Dheeraad ah oo Kharash ah - La Mari Karo Good To Go! Ku Bixi Lambarka Gaadhiga
Dirawalada furtay La Mari Karo Good To Go! xisaabta ah ee duwaangeliyay la mbarka g aaadhigooda waxay bixin doonaan 25 senti oo dheeraad ah markii ay maraanba, oo sii dheer La Mari Karo Good To Go! ee xaddiga kharashkiisa maridda.
$2 Dheeraad ah oo Kharashka Maridda ah – Ku Bixi Boos (Pay By Mail)
Dirawalka aan haysan La Mari Karo Good To Go! xisaab ah waxa uu bixin doonaa kharash dheeraad ah oo $2 ah oo kh arashka waddo marista ah waxaana loosoo diri doonaa biilka oo boosta ayaa lagu soo gaadhsiin doonaa. Biilasha waxaa boolsta loogu soo diri doonaa mulkiilaha gaadhiga uga duwaangashan Department of Licensing (Waaxda Liisamada).