Somali - Bedelada kale ee socdaalka inta lagu jiro qiyaastii saddex-todobaad ee uu xidhan yahay SR 99

Somali - Diyaar garow: saddex-todobaad SR 99 xidhidu waxey bilaabmaysaa Jan. 11, 2019

Bedelada kale ee socdaalka inta lagu jiro qiyaastii saddex-todobaad ee uu xidhan yahay SR 99

Si loo furo tunnelka SR 99, Waaxda Isgaadhsiinta Gobolka Washington (WSDOT) waxaa la qorsheeyey iney xidho SR 99 ilaa suuqa hoose ee Seattle qiyaas ahaan saddex todobaad oo ka bilaabmaya Janaayo 11, 2019, halka kooxo ay dhisayaan dalcadaha iyo wadada tareenada si loo kulmiyo SR 99. Dalcado dheeraado la xidhayo kahor iyo kadib xidhitaanka guud waxey la micno tahey socdaalayaashu, gaar ahaan kuwa u socdaala suuqa hoose ee koonfur iyo waqooyi, waxey waajihi doonaan ilaa lix todobaad oo khalkhal xidhig ah.

Waxaanu oganahay in xidhitaankani uu ukeeni doono khalkhal wayn isu socodka gaadiidka gobolka iyo deegaanka. WSDOT iyo haayadaha ay wada shaqaynayaan waxay samyanyaan waxyaabo kala duwan si loo ilaaliyo dadku inay socdaan, waxayna ka dalban doonaan dadka socdaalaya gaadiidka shacanta raacaya iyo shaqaalaha inay hore usoo baxaan.

Si loo diyaariyo, hoos waxaa ah woxogaa fikiro ah sidii aad u bali laheyd socdaalkaaga inta lagu jiro xidhida.

Bedelada socdaalka

Hagaaji wakhtiyada socdaalkaaga & ogow kahor intaadan tagin

Hadii jadwalkaagu uu fududyahey, tixgali hagaaji saacadaha shaqadaada si aad uga isagaka ilaaliso wakhtiyada socdaalka inaad ka habsaanto (caadi ahaan 6 ilaa 10 subaxnimo iyo 3 galanimo ilaa 7 fiidnimo), kaasoo ka bilaabmi kara xili ka hore oo dhamaana kara xili ka danbeeya saacadaha caadiga ee saxmada gaadiidka.

Kahor intaadan socdaalin, fiiri wakhtiyada socdaalka ee imika oo joog. Isticmaal xisaabiyaha socdaalka onlineka ah ee WSDOT, qariirada xogta socdaalayaasha SDOT, ama agabka socdaalka gaadiidka oo kale oo wakhti-saxa si loo helo markaad u baahantahey inaad tagto si aad u timaado meeshaad dooneyso wakhtigii loo baahnaa.

Khayraadka qorshaha socdaalka:

Nasasho iyo park & rides

Nasasho iyo park & rides

Waxaa jira in ka badan wakaalo nasasho oo darsin ka badan oo ka hawlgala deegaanka Puget Sound, dhamaan ka shaqeynaya inay ku geeyaan halkaad dooneyso inaad tagto. Fiiri dookhyadaada nasasho adigoo isticmaalaya khayraadka qorshaynta dalxiiska ee ku taxan midigta.

Hadii macquul tahey, qorshee socdaalkaaga inaad raacado gaadiidka dadka waynaha saacadaha saxmada ka baxsan si aad iskaga ilaaliso inaad socdaasho marka basasku ay noqon karaan saxmad. Fiiri King County Merto iyo websiteka Sound Transit cusboneysiin adeeg, ay ku jiraan dib u hagaajinta wadooyinka basaska ee ay isticmaalaan ee viaduct. WSDOT, King County Metro, Sound Transit iyo wakaalado nasasho ee maxali ah oo kale waxey iskula shaqeynayaan si dhow si dadka loo ilaaliyo socodka.

Khayraadka qorshaha socdaalka:

Guriga kasoo shaqeyn

Guriga kasoo shaqeyn

Guriga kasoo shaqeyn, ama socdaalin, waxey kuu ogolaaneysaa inaad dhaafiso socdaalkaaga dhamaantii hadana aad shaqadaada dhameysato. Kala hadal cida aad u shaqayso dookhyo macquula inaad kasoo shaqeyso guriga hal maalin ama wax ka badan todobaadkii inta lagu jiro xidhida.

Khayraadka qorshaha socdaalka:

Viajes compartidos: Comparta un vehículo o una camioneta

Rideshare: carpool, vanpool iyo vanshare

Hel dad kuu dhow oo xiisaynaya in kharashka gaadhiga socdaalka aad la qaybsato ama kharashka baska socdaalka aad qaybsataan wakhti daqiiqado ah adigoo isticmaalaya RideshareOnline.com - adeeg gaadhi isku beegis oo bilaash, macquul, online ah.

Khayraadka qorshaha socdaalka:

Ande en bicicleta

Baaskiil

Ma aheyd mid macneeya inaad isku daydo socdaalka baaskiilka? Imika waa fursad fiican! Baaskiilku waxu uu kaa baajinayaa inaad gaaadhiga kaxaysato ama tareenka raacdo, kaa saarayaa diiqada fadhinta saxmada, waxaaanad ka heleysaa jimicsigaagii maalintaa. Iyadoo ay jiraan kumanaan kale oo socdaalayaal beedhal-kusocda Seattle, waxaa jira khayraad badan kaa caawinaya inaad bilowdo.

Camine

Lugeyn

Kuwa awooda, socodka qeybta ugu dambeysa ee socdaalkaaga ee suuqa hoose si aad uga fogaato cidhiidhigi culus, ama socodka wadada oo dhan hadii aad ku nooshahey masaafo macquula oo meeshaad tageyso ah, waa bilaash, dookh la isku haleyn karo oo adiga kuu fiican oo dhulkana u fiican.

Khayraadka qorshaha socdaalka:

Taxi acuático

Taksiga biyaha

King County waxay ka shaqeysaa laba wado taksi biyood oo qaada rakaabka lugta iyo baaskiiladlayaasha suuqa hoose ee Seattle iyo Galbeedka Seattle (oo qaata ilaa 10 daqiiqo) ama Jasiirada Vashon (oo qaata ilaa 22 daqiiqo). Helid fudud iyo adeeg joogto ah waxey ka dhigayaan taksiga biyaha gobol ku haboon socdaalka kale.

Khayraadka qorshaha socdaalka:

Saxmada Wakhti ay jirto iyo qalab socdaal

Isticmaal qalabkan wakhitga-dhab ah kahor intaan socdaalkaagu ama wadada si aad u joogto mid cusub xaaladaha socdaalka ee ugu dambeeya.

Kaameradaha Socodka Gaadiidka ah ee Tooska ah ee WSDOT
www.wsdot.com/traffic/seattle/default.aspx

Wakhtiyada Socdaalka WSDOT
www.wsdot.com/traffic/traveltimes/default.aspx

Qariirada Xogta Socdaalayaasha SDOT
web6.seattle.gov/travelers

Baraarujinta Tareenka
kingcounty.gov/metro/signup

Wararka socdaalka ee Twitter

Xeerka Ameerikaanka ee Laxaad La'aanta & Cinwaanka xogta VI

Xeerka Ameerikaanka Curyaanka ah (ADA) Warbixinta

Qoraalkaan waxaa lagu heli karaa qaab kale iyada oo iimeel ah loo soo dirayo Xafiiska Fursada Isku Midka ah ee wsdotada@wsdot.wa.gov ama adiga oo garaacaya, 855-362-4ADA(4232). Dadka dhagoolka ah ama ay ku adagtahay maqalka waxay codsi ku sameyn karaan adiga oo ka soo wacayo Washington State Relay 711.

Ogeysiiska Cinwaanka VI ee dadweynaha

Waa Siyaasada Waaxda Gaadiidka Dowlada ee Gobolka Washington (WSDOT) in la hubiyo in qofna aysan ku dhicin takoorid ku saleysan jinsiyad, midab, asal qarameed ama jinsi, sida ku cad Xeerka VI ee Xuquuqda Madaniga ee 1964, loomana diidi karo ka-qaybgalka faa'iidooyinka, ama lagama takoori karo mid ka mid ah barnaamijyada iyo dhaqdhaqaaqyada dowlada federaalku maalgeliso. Qof walba oo aaminsan in lagu xad gudbay VI ee illaalada, waxay uu cabasho u gidbin karaa Xafiiska Fursada Simman WSDOT (OEO). Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka cabashada ee CInwaanka VI iyo / ama macluumaadka ku saabsan waajibaadkayaga aan kala-takoorka ahayn, fadlan kala xiriir Isku-duwaha Cinwaanka VI (360) 705-7090.